Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Bariga Afrika u qaabilsan Malaysiya Mudane Ruzaimi Mohamad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay Danjiraha Malaysiya fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo dhinacyada ay iska kaashan karaan labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, xoolaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

Advertisement

Dhankiisa, Danjire Mohamad ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta diirran, waxuuna hoosta ka xariiqay in dalkiisu uu Soomaaliya la yeelanayo xiriir walaatinimo oo ku salaysan iskaashi iyo wax wada qabsi xooggan oo dhex mara labada waddan.

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale

Previous articleDagaal Saacado socday oo Hiiraan ku dhex-maray Alshaaab iyo Dowlada
Next articleQM iyo Isra’iil maxaa kala heysta?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here