Muqdisho (dayniiile.com)-Ra’iisul Dowlada  Federaalka Soomaaliya Xamze Cabdi_Barre ayaa Muuqaal uu soo duubay wuxuu Caawa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uga qaaday Soomaaliya cunaqabteynta hubka oo saarnayd dalkeena ilaa 1992.

Ra’iisulwasaaraha ayaa ka hadlay waxyaabaha Somalia ka faa’iideyso guusha caawa la gaaray wuxuuna sheegay ugu horeyn inay awood u yeelaneyso Dowladu inay Ciidamadeeda si casri ah u qalabeyso dhankasta sida hubka.

Advertisement

Sidoo kale wuxuu sheegay inay si fudud dalka uga saari karaan Alshabaab isagoo qirey awal inay isku hub ahaayeen laakiin hada Dowladu helayso hub iyo qalab casri ah.

“waxaan ka faa’iideynaa inaan ciidankeena si casri ah u qalabeyno,inaan si sahlan khawaarijta dalka uga saarno”ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha oo farxad badan muujiayay caawa islamarkaana shacabka u fasaxay inay iyagu dabaal degi karaan guushaas la gaaray darteed.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.

Previous articleWAR DEG DEG AH : Somalia oo Caawa laga qaaday cunuqabateyntii hubka
Next articleMadaxweyne Xasan muxuu ka yiri Guusha Caawa Somalia gaartay ee dhanka hubka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here