Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta waxaa lagu wadaa inuu u safro Magaalada Dooloow ee Gobolka Geddo.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hogaamin doono ayaa lagu wadaa inay u kuurgeli doonan xaalada Roobabka Elnino iyo fatahaada wabiyada oo saameyn weyn ku yeeshay magaaladaasi oo gabi ahaanteed biyuhu harqiyeen.

Advertisement

Masuuliyiinta Magaalada Dooloow ayaa lagu wadaa inay wafdigu ka dhageystaan warbixin ku saabsan xaalada magaladaasi iyo halka ay mareyso gurmadyada loo sameeyay iyo baahiyahooda xiligaan.

Sidoo kale waxaa suuraagal ah u gaaro magaalooyin kale oo isla gobolka Geddo si uu iyana usoo arko si gurmad loogu fidiyo dadka barakacay oo ah goobaha ay macquulka tahay inuu booqdo.

Gobolka Geddo ayaa ka mida meelaha ugu badan ee biyaha roobabku saameyn ku yeesheen iyadoo ay ugu daran tahay Baardheere oo gabi ahaanba go’doonsan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here