Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta u magacaabay Mudane, Xasan Maxamed Cali Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Sidoo kale, waxa uu Ra’iisul Wasaarahu u magacaabay Wasaaradda Waxbarashada afar Agaasimayaal Guud, kuwaas oo kala ah:
1-Dr Cabdullaahi Cabdi Cumar,
Agaasimaha Guud ee Waxbarashada iyo Barbaarinta .
2-Maxamed Xasan Mukhtaar, Agaasimaha Guud ee Horumarinta Waxbarashada Farsamada Gacanta & Xirfadaha.
3-Maxamed Cabdullaahi Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare iyo Hiddaha.
4-Xabiibo Cali Maxamed, Agaasimaha Guud ee Adeegyada Wasaaradda Waxbarashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray mas’uuliyiintan in ay si hufan u gutaan waajibaadka xilalka loo igmaday.|

=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=
May be an image of 1 person and smilingMay be an image of 1 person, beard and daisMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 1 person, smiling, headscarf and scarf

Previous articleUrurka Jaamacada Carabta oo ka hadlay damaca Itoobiya
Next articleDAAWO: Mareykanka oo ka hadlay damaca Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here