Muqdisho, Janaayo 10, 2024;- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga faca-weyn ee ka dhaxeeya labada dalka.

Advertisement

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda UK uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo is garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Soomaaliya.

Previous articleBooliiska Somalia oo burburiyay Qarax Degmada Xamar-weyne la soo dhigay
Next articleMaxaa ka jira Diyaarad UN-ka uu leeyahya iyo ajaanib saarneyd u gacan galeen Al-shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here