May be an image of 3 people, aircraft and text
MUQDISHO: 9 Sebtember, 2023: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay booqasho rasmi ah ku tageen dalka Qatar.
Mudane Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa dalka Qatar waxaa kulamo kala duwan uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani, masuuliyiin kala duwan iyo ganacsatada dalka Qatar oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Qatar.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kala hadlay madaxda dowladda Qatar sidii ay u ballaarin lahayd taageerada xagga amniga, mashaariicda horumarinta iyo maalgashi ay ganacsatada Qatar ku sameystaan dalkeena, qodobaasi oo dhammaantood labada dowladood isku afgarteen.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.
—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so

May be an image of 3 people and textMay be an image of 8 people and suitMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 8 people and textMay be an image of 10 people and dais

Previous articleMaxaa kala socotaa Masaska ku heeraarsan Madaxweyne Xasan Sheikh oo qaboowgii Villa Soomaliya ka doorta furunta dagaaka
Next articleGabdho Soomaaliyeed oo ka mid noqday dadkii  ka bad-baaday dhul gariirka ka dhacay Dalka Moroco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here