Muqdisho, Diseembar 12, 2023: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay kulankii labaad ee Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay hirgelinta isbeddel muuqda oo saameeya hannaanka shaqo iyo waxqabad ee nidaamka dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.
Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Khubaro ka kala socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo 15 Wasaaradood kuwaa oo dhowaan u tagay dalka Malaysia barnaamijka casriyeynta dowladnimada iyo isbeddelka Soomaaliya ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ku boggaadiyay dadaalka ay geliyeen qorshahan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay tallaabooyinka xiga ee barnaamijka oo ku saabsan jiheynta shaqooyinka xukuumadda u yaalla kuwaa oo ku saleysan halbeegyo la cabiri karo iyo qiimeynta waxqabadkii Wasaaradaha ee 2022-2023.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu faray Golaha in laga shaqeeyo hababka cusub ee lagula soconayo waxqabadka wasaaradaha iyadoo la isticmaalayo mareeg danabaysan iyo furitaanka xarunta dhexe ee lagu curin doono barnaamijyada hortabinta u leh horumarinta Qaranka oo ay ka hawlgali doonaan Khubaro kala duwan oo dowladda ka tirsan.
—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
May be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 9 people
May be an image of 11 people, table, dais and textMay be an image of 7 people and dais
Previous articleDAAWO VIDEO: Madaxweyne Qoor-Qoor oo si weyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo
Next articleMadaxweyne Xasan oo Xarunta QM ku gudoomiyahay Shirka Amniga Somalia+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here