Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi-Barre ayaa mar kale soo hadal qaaday xurgufta siyaasadeed ee kala dhexeysa Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Ra’iisulwasaare Xamze Cabdi Barre  ayaa xusay inay diyaar u yihiin xalinta iyo is fahamka iyaga iyo maamulka Puntland.

Advertisement

“xiriirkeena wuu fiican yahay si caadi ah laakiin waaan ognahay inay jirto tabasho siyaasadeed taasn waxaan diyaar u nahay inaan xalino”ayuu yiri

Dhanka kale Ra’iisulwasaaraha wuxuu muujiyay in horab ay u xalin lahaayeen balse ilaa iminka aysan ka hayn puntland wax cadeyn ah  oo ku miyeen waxyaabaha ay tabanayaan.

“Madaxda Puntland hadey noo soo bandhigaan qodobada waxyaabaha ay tabanayaan diyaar baan u nahay inaan la fdhiisano oo aan xalino tababashadooda”ayuu mar kale yiri

Xamze Cabdi Barre ayaa khilaafka oo dhan ku soo koobay kaliya inaysan Puntland ka so qeybgelin shirarkii ugu danbeeyay ee wada-tashiga qaran kaasoo aalaaba dhex-mara Dowlada iyo Maamul Goboleedyada.

Ra’iisulwasaare Xamza ayaa mar uu wareysi siinaayay Idaacada  VOA ku sheegay in Siciid Deni uu ka sugayo inuu ula yimaado waxa uu xukuumadiisa ka tirsanayo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleYuusuf Madaale oo maanta gaaray Deegaanka Cad-cadooy+Sawirro
Next articleMadaxweyne Xasan oo sheegay in Dagaalku ku ekeyn Galmudug iyo Hirshabelle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here