Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta waxa uu booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, waxaana halkaas ku soodhaweeyey Guddoomiye ku xigeenka hay’adda Maareynta Musiibooyinka Dr Axmed Cabdi Aadan.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Salaax Axmed Jaamac ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada El-Niño.
Wuxuu yiri ’ waxaan bulshada Soomaaliyeed la wadaagaa saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoogga leh ee ka da’ay gobollada dalka, xog aan hayno dhimashu waa 10 qof.”
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Salaax Axmed Jaamac ayaa sheegay in dowladu ay mudo ku jirtay abaabul iyo sidii wax loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan ee dhibaatadu gaartay.
Ugu dembayntii wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada inay taageeraan bulshadu dhibku gaaray ee ku nool Gobalada xaalada deg dega ah ay ka taagan yihiin.
=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=
May be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people, suit and newsroomMay be an image of 4 people, newsroom and textMay be an image of 4 people and newsroomMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 4 people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here