Kismaayo, Nofeembar 27, 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.
Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu warbixinno ku saabsan xaaladaha caafimaad ee dadka ku jira isbitaalka ka dhageystay dhakhaatiirta oo la wadaagay cabsida ay ka qabaan cudurro safmareen ah oo ka dhasha barakaca degdegga ah ee soo foodsaaray dadka deegaanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradda Caafimaadka XFS in wax laga qabto adeegyada uu u baahan yahay Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, maadaama laga cabsi qabo roobabka daadadka wata in ay sababaan cudurrada ka dhasha biyaha.
Kormeerka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehelinayey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirro iyo Xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah.
May be an image of 9 people and suitMay be an image of 4 people and hospitalMay be an image of 11 people, dais and hospitalMay be an image of 8 people, dais, hospital and textMay be an image of 10 people, dais and hospitalMay be an image of 3 people and hospitalMay be an image of 6 people and hospitalMay be an image of 6 peopleMay be an image of 9 people and suit
Previous articleMaxkamada Ciidamada oo xukuntay Askari hore dil u gaystay
Next articleDhaqaatiir Talyaani ah oo Muqdisho ka fuliyay baaritaano iyo daweyn oo maanta loo sameeyay munaasabad sagootin ah+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here