Muqidisho, 17 Oktoobar 2023–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed la yeeshay kulan ku aaddan doorka ay ku leeyihiin jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hey’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay isla -jaanqaadaan, si wadajir loogu xaqiijiyo hiigsiga fog ee horumarka dalka.
“Dowladdeennu waxay diiradda saareysaa sidii ay u abuuri lahayd jawi ay ku bullaallaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay, halkaas oo hal abuurrada ganacsiga lagu dhiirrigeliyo, ayna ku kobcaan maalgashiyada dibadeed iyo kuwa guduhuba”
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa u sheegay madaxda iyo milkiilayaasha ganacsiyada gaarka loo leeyahay, baahida loo qabo in la sameeyo isbeddel dhan walbo ah, si isbeddelkaas looga mirro dhaliyana ay lagama maarmaan tahay in la helo ka go’naansho bulsho.
Waxuu kula dardaarmay Ra’iisul Wasaaruhu ganacsatada in ay kaalintooda ka qaataan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee u baahan in wadajir wax looga qabto.
XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA
May be an image of 1 person, newsroom and text
May be an image of 11 people, people studying, table, dais and text
May be an image of 4 people, dais, newsroom and textMay be an image of 12 people, table and lightingMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people, people studying, dais and textMay be an image of 2 people, beard and suitMay be an image of 3 people, newsroom, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 11 peopleMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 16 people, people studying and daisMay be an image of 3 people and lightingMay be an image of 3 people, dais and text
Previous articleMadaxweyne Guud-laawe oo gudoomiyay shir looga hadlaayay dagaalka socda +Sawirro
Next articleGudoomiye Aadan Madoobe oo maanta dalka ku soo laabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here