Ra’isul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ka qeybgalay kulan baroordiiq ahaa oo loo sameeyay qoys Muslimiin ah oo asal ahaan kasoo jeeday dalka Pakistan oo Axaddii lagu dilay magaalada London ee gobolka Ontario.

Nin dhallinyaro ah ayaa si ula kac ah gaari u jiirsiiyay qoyskan xilli ay lugeynayeen, waxaana Ra’isul wasaaraha Canada uu falka ku tilmaamay mid argagixiso.

Muslimiin badan oo Soomaalidu ay qeyb ka yihiin oo qaarkood ka tagay magaalooyin kala duwan ayaa ka qeybgalay baroordiiqdan.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here