Ra’isul Wasaare Kheyre oo gaaray magaalada xuudr si heer sare ah loogu soo dhaweeye

 

 

Magaalada Xudur ee caasimada gobolka Bakool gaaray Waxaa goordhaw lagu soo dhaweeyey Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayay .

Wafdiga Ra’isul Wasaaraha waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo magaalada kaga sii horeeyay , masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Xudur.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa in uu la hadlo dadka ku dhaqan magaalada Xudur ee maanta sida weyn usoo dhaweeyay, waxa uu sidoo kale kulamo la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Ra’isu Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalmahan ku sugan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana labadii habeen ee lasoo dhaafay Ra’isul Wasaare Kheyre ku hoyday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064