HomeWarkiiRajada xabbad joojinta Qasa iyo nabada reer Falastiin oo soo kordheysa

Rajada xabbad joojinta Qasa iyo nabada reer Falastiin oo soo kordheysa

QAZA (DAYNIILE.COM)-Waxaa aad u soo kordhaya Rajada laga qabo in heshiis xabbad joojin rasmi ah laga gaaro marinka Qasa iyo nabada ku soo dabaalida guud ahaan dhulka reer Falastiin oo sanado badan colaad marti gelinayay.

Wararkii ugu dabeeyay ee laga helay dhanka wada-hadalada socda gaar ahaan dhanka Israa’iil ayaa sheegaya kaliya hada indhaha lagu hayo sidii loo xalin lahaa shuruudo ama tabashooyin ay Xamaas ka qabto qorshaha la hor dhigay ee xabad joojinta si ay u saxiixaan.

Telefishinka Israa’iil ee Channel 13, ayaa shaaciyay dhawaan in guulo laga gaaray wada-hadallo la xiriira xabbad joojinta Qasa.

Warar kale ayaa sheegaya in dhanka Israa’iil laftigooda ay jiraan khilaaf u dhexeeya saraakiisha dhexdooda kaasoo salka ku haya in qaarkood la dhacsan yihiin in nabad lala gaaro Xamaas halka kuwo aan badneyna ay wali u durbaan tumayaan in colaada Gaza ay sii jirto iyo xasuuqa ay ku hayaan shacabka.

Dhanka kale dhawaan waxaa la sheegay inay kulmayaan saraakisha Yuhuuda ee hogaamineysa dagaalka Gaza iyo Netanyahu oo ah Ra’iisulwasaarahooda si ugu sharxaan halka ay mareyso waan waanta xabad joojin rasmi ah oo laga gaaro colaada Gaza oo heer gabaabsi ah taagan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -