XIGASHO LAACIB.NET
Xiddiga Khadka dhexe ee Manchester City, Tijjani Reijnders, ayaa sheegay in kooxdiisu ay si xooggan ugu jirto tartanka hanashada horyaalka Premier League, inkastoo ay afar dhibcood ka dambeeyaan Arsenal.
Reijnders ayaa tilmaamay in jawiga kooxda uu yahay mid wanaagsan, islamarkaana ay sii wadi doonaan cadaadiska ay saarayaan hoggaanka. “Jawigu wuu fiicnaa, inkastoo aan dhibco luminay. Waxaan ku jirnaa raadinta, waana sii dardar gelin doonnaa,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in haddii ay sii wadaan qaab ciyaareedkan, ay weli leeyihiin fursad dhab ah oo ay ugu tartamaan koobka.
XIGASHO LAACIB.NET
