HomeCiyaarahaRaphinha oo go’aan culus ka soo saaray /mustaqbalkiisa Barcelona, xilli lala xiriirinayo...

Raphinha oo go’aan culus ka soo saaray /mustaqbalkiisa Barcelona, xilli lala xiriirinayo Horyaalka Sacuudiga

XIGASHO LAACIB.NET

Wararka ka imaanaya gudaha dalka Spain ayaa xaqiijinaya in xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona, Raphinha, uusan wax qorshe ah u lahayn inuu ka tago garoonka Camp Nou xagaaga soo socda, inkasta oo uu xiiso weyn ka helayo kooxaha horyaalka Sacuudiga.


Raphinha ayaa u sheegay maamulka kooxda iyo wakiiladiisa inuu doonayo inuu sii joogo Barcelona si uu ugu tartamo koobabka waaweyn ee Yurub.

Kooxaha dalka Sacuudiga ayaa la rumeysan yahay inay u diyaariyeen dalabyo dhaqaale oo aad u sarreeya si ay ugu soo jiitaan horyaalkooda, balse Raphinha ayaa rumeysan inay weli wax uga dhiman yihiin horyaalka La Liga.

Xiddigan reer Brazil ayaa xilli ciyaareedkan soo bandhigay bandhigyo heer sare ah, isagoo noqday mid ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan ee weerarka kooxda Hansi Flick, taas oo sii xoojisay rabitaankiisa ah inuu qayb ka noqdo mashruuca mustaqbalka ee kooxda.

Tallaabadan ayaa farxad weyn u ah taageerayaasha Barcelona, kuwaas oo u arka Raphinha ciyaaryahan leh dadaal iyo hufnaan dheeri ah. Go’aanka Raphinha ee ah inuu iska indho-tiro lacagta tirada badan ee Sacuudiga ayaa muujinaya hamigiisa ciyaareed iyo sida uu ugu kalsoon yahay inuu guulo la gaari karo Barcelona, isagoo doonaya inuu xilli ciyaareedka soo socda kula guuleysto Barca horyaalka iyo Champions League-ga labadaba.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -