HomeCiyaarahaRaphinha oo ka hadlay isbarbardhigga Estevao Willian & Lamine Yamal

Raphinha oo ka hadlay isbarbardhigga Estevao Willian & Lamine Yamal

XIGASHO LAACIB.NETGarabka Chelsea Estevao Willian iyo xiddiga Barcelona Lamine Yamal waa laba ciyaaryahan oo uu Raphinha ka garab ciyaaro; xulka Brazil iyo  Barcelona.

Intii lagu jiray shirkiisa jaraa’id, Raphinha ayaa la waydiiyey inuu isbarbardhig ku sameeyo labada da’yar ee mustaqbalka weyn leh.

Raphinha waxa uu ku jawaabay:

“Anigu inaan wax isbarbardhigo ma jecli, marka laga hadlayo ciyaartoyda maanta, ama kuwii hore, ama kuwii ka fariistay kubadda cagta. Ciyaaryahan kasta wuxuu leeyahay jidkiisa iyo qaabkiisa gaarka ah.”

Wuxuu sii raaciyey:

“Waxaan kuu sheegi karaa oo keliya: labadooduba waa halis.Haddii ay maskax fiican yeeshaan oo ay xoogga saaraan xirfaddooda, waxay gaari karaan heerka ugu sarreeya sanado badan.”

Raphinha oo kaftamay ayaa yiri:

“Estevao iyo Lamine waxaa la isku barbardhigaa carruur ahaan… ma rabo inaan ka hadlo!”

Wuxuu intaas ku daray in labada ciyaaryahanba si gaar ah loo ilaalin doono:

“Waxaa suuragal ah in Lamine si gaar ah loo ilaaliyo, sidoo kale waa in Estevao si gaar ah loo ilaaliyo. Labaduba waa halis weyn, waa in labada dhinacba la ilaaliyo sababtoo ah waa ciyaartoy mucjiso ah.”

Raphinha ayaa sidoo kale ku tilmaamay inay leeyihiin:

“Awood aan caadi ahayn, xirfad ka baxsan bini’aadamka, welina ay ku jiraan koritaan; ciyaar ahaan iyo qof ahaan labadaba.”

Ugu dambeyn, wuxuu yiri:

“In la arko ciyaar ay ku jiraan laba xiddig oo tayo sidan u sarreeysa, taasi waa waqti gaar ah oo aan la hilmaami doonin.”

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -