HomeCiyaarahaRashford oo magacaabay saddexda xiddig ee ugu cadcad abaalmarinta Ballon d’Or 2025

Rashford oo magacaabay saddexda xiddig ee ugu cadcad abaalmarinta Ballon d’Or 2025

XIGASHO LAACIB.NET

Weeraryahanka Manchester United, Marcus Rashford, oo xilli ciyaareedkan amaah ugu ciyaaraya Barcelona, ayaa magacaabay saddex ciyaaryahan oo uu rumeysan yahay inay ku guuleysan karaan Ballon d’Or 2025.

Rashford ayaa liiskiisa ku daray laba ka mid ah saaxiibadiisa cusub ee Barca, kuwaasoo kala ah Lamine Yamal iyo Raphinha, halka xiddiga kale ee uu xusayna uu yahay Ousmane Dembélé.

“[Ousmane] Dembélé iyo Raphinha dhammaantood way u qalmaan. Aad bay ugu bisil yihiin, waxey soo qaateen xilli ciyaareed cajiib ah. Lamine aad buu u da’yar yahay, laakiin hubanti waa inuu mar uun ku guuleysan doono Ballon d’Or. Waa ciyaaryahan heer sare ah,” ayuu Rashford yiri.

Saddexda ciyaaryahan ee Dembélé, Yamal iyo Raphinha ayaa dhammaantood ku jira liiska 30-ka musharax ee abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadkan.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -