XIGASHO LAACIB.NET
Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa daafaca da’da yar ee reer Netherlands, Jorrel Hato, oo kaga yimid kooxda Ajax.
Daafacan 19-jirka ah ayaa qalinka ku duugay heshiis todoba sano ah, iyadoo kooxda reer London ay Ajax farta ka saartay ku dhawaad £35.5 milyan si ay u hesho adeeggiisa.
Isagoo ka hadlayay kadib soo bandhigistiisa, Hato ayaa yiri:
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan imaado. Waan ka fikiray mustaqbalkayga, waxaana doonayay inaan tallaabo cusub u qaado xirfaddayda. Chelsea waa meesha ugu habboon ee aan sidaas ku sameyn karo, sidaas darteed aad ayaan ugu faraxsanahay.”
Hato oo ah daafac bidix ayaa la filayaa inuu tartan adag la galo Marc Cucurella, sidoo kalena waxaa la filan karaa inuu badal u noqdo Levi Colwill marka loo baahdo, taasoo sare u qaadaysa xulashooyinka difaaca ee tababare Enzo Maresca.
Chelsea ayaa markale sii waddo qorshaheeda ah dhisidda koox mustaqbal leh, iyadoo saxiixan cusub uu caddeyn u yahay siyaasadda lagu tiirsan yahay ee dhalinyarada tayada leh.

