XIGASHO LAACIB.NET
Liverpool ayaa ku dhow inay dhamaystirto saxiixa weeraryahanka Newcastle United, Alexander Isak, sida uu xaqiijiyay khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano.
Heshiiska oo dhan ayaa lagu qiimeeyay £130 milyan, taasoo ka dhigeysa isku dayga ugu qaalisan taariikhda Premier League.
Weeraryahankan reer Sweden ayaa hore u muujiyay in mustaqbalkiisa St. James’ Park uu shaki ku jiro, kaddib markii uu ku eedeeyay Newcastle inay jebiyeen ballanqaadyo.
Isak wuxuu ku biirayaa kooxda uu hogaamiyo Arne Slot, isagoo lagu wado inuu xoojiyo weerarka Reds, kuwaas oo u dagaallamaya difaacashada horyaalka Premier League.
Liverpool ayaa xilli-ciyaareedka si qumman ku bilaabatay, iyagoo guulo ka keenay saddexdii kulan ee ugu horreeyay, oo ay ku jirto guushii 1-0 ee ay ka gaareen Arsenal.
Isak ayaa noqon doona saxiixii ugu weynaa ee taariikhda Liverpool iyo sidoo kale mid ka mid ah ciyaartoyda ugu qaalisan ee abid Premier League soo mara.
XIGASHO LAACIB.NET
