HomeCiyaarahaRasmi: Ousmane Dembélé oo ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or 2025

Rasmi: Ousmane Dembélé oo ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or 2025

XIGASHO LAACIB.NET

Weeraryahanka reer France Ousmane Dembélé ayaa dhammaystiray xilli-ciyaareed cajiib ah 2024–25 kadib markii loo caleemo saaray xiddiga adduunka ugu fiican ee ku guuleystay Ballon d’Or 2025.

Dembélé ayaa u saftay Paris Saint-Germain 59 kulan dhammaan tartamada, isaga oo ku lug yeeshay 37 gool iyo 14 caawin. Wuxuu ahaa laf-dhabarta PSG ee guulihii taariikhiga ahaa, isagoo ka caawiyay kooxda inay ku guuleysato Ligue 1, Coupe de France, UEFA Champions League, Trophée des Champions iyo UEFA Super Cup.

Tartanka UEFA Champions League ayuu si gaar ah ugu iftiimay, isagoo dhaliyay 8 gool isla markaana bixiyay 6 caawin. Waxaa ka mid ahaa saddexleey uu ka dhaliyay Stuttgart iyo goolal muhiim ah oo uu ka dhaliyay marxaladaha nus-dhamaadka iyo bug-baxa, isagoo ku hogaamiyay PSG guulo ka dhan ah Liverpool iyo Arsenal. Waxqabadkan ayaa u horseeday in loo doorto Xiddiga Xilli-ciyaareedka Champions League.

Abaalmarintan Ballon d’Or waxay xaqiijisay sumcadda Dembélé, isagoo loo aqoonsaday mid ka mid ah weeraryahannada ugu sarreeya Yurub, isla markaana uu door weyn ku yeelan doono PSG sannadaha soo socda.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -