HomeCiyaarahaRasmi: Real Madrid oo magacowday Tababaraha beddelaya Xabi Alonso

Rasmi: Real Madrid oo magacowday Tababaraha beddelaya Xabi Alonso

XIGASHO LAACIB.NET

Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Álvaro Arbeloa uu noqonayo tababaraha cusub ee kooxda koowaad, isagoo baddalaya Xabi Alonso oo xilka laga qaaday caawa oo Isniin ah.

Arbeloa, oo ah mid ka mid ah halyeeyada kooxda, ayaa laga soo dallacsiiyay kooxda labaad ee Castilla, halkaas oo uu tababare ka ahaa tan iyo bishii Juun 2025.

Magacaabistiisa ayaa loo arkaa tallaabo ay kooxdu ku doonayso inay ku xoojiso aqoonsiga iyo qiyamka “Madridismo”, maadaama uu Arbeloa ku soo dhex qaatay dhammaan xirfadiisa tababarenimo akadeemiyada kooxda (La Fábrica).

Arbeloa wuxuu muujiyay karti weyn intii uu hoggaaminayay kooxaha da’yarta. Xilli-ciyaareedkii 2022-2023, wuxuu koox da’yarta u horseeday Treble taariikhi ah (Horyaalka, Copa del Rey, iyo Champions Cup). Sidoo kale, wuxuu horyaallada la qaaday kooxaha Infantil A iyo Cadete A intii u dhaxeysay 2020 ilaa 2022.

Intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2016, Arbeloa wuxuu Real Madrid u saftay 238 kulan, isagoo kula guuleystay 8 koob oo waaweyn, oo ay ku jiraan labo Champions League iyo hal horyaal oo La Liga ah.

Wuxuu qayb ka ahaa facii dahabiga ahaa ee Spain ee ku guuleystay Koobkii Adduunka 2010 iyo labo koob oo qaramada Yurub ah (2008 & 2012), isagoo u saftay xulka qaranka 56 kulan.

 

Álvaro Arbeloa ayaa hadda wajahaya caqabadda ugu weyn ee xirfaddiisa, isagoo mas’uul ka noqon doona inuu kooxda dib ugu soo celiyo tartanka horyaalka La Liga, halkaas oo ay 4 dhibcood ka dambeeyaan Barcelona, iyo inuu u horseedo guul tartanka Champions League.

 

XIGASHO LAACIB.NET

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -