XIGASHO LAACIB.NET
Go’aan lama filaan ah oo ruxay dunida kubbadda cagta, Real Madrid ayaa ku dhawaaqday inay kala tageen tababare Xabi Alonso, ka dib guuldarradii 3-2 ee ka soo gaartay Barcelona final-kii Super Cup-ka Spain ee xalay lagu qabtay magaalada Jeddah.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay naadiga ayaa lagu xaqiijiyay in go’aankan lagu gaaray “is-afgarad labada dhinac ah,” isagoo soo afjaray muddo sideed bilood ka yar oo uu Alonso hoggaaminayay kooxda ka dib markii uu xagaagii beddelay Carlo Ancelotti.
In kasta oo Alonso uu haystay boqolkiiba 70% guulaha kooxda, haddana guuldarradii Jeddah iyo farqiga 4-ta dhibcood ee horyaalka La Liga ayaa loo arkay inay yihiin calaamado muujinaya in kooxdu ay lumisay jihadii saxda ahayd. Sidoo kale, waxaa jiray warar sheegaya in khilaaf uu soo kala dhex galay isaga iyo qaar ka mid ah xiddigaha muhiimka ah sida Vinicius Jr iyo Federico Valverde.
Real Madrid dib uma dhigan magacaabista qofka baddelaya; waxay si rasmi ah u xaqiijiyeen in Álvaro Arbeloa uu la wareegi doono xilka tababaraha kooxda koowaad. Arbeloa, oo horay u ahaa tababaraha kooxda da’yarta ee Castilla, ayaa xilka la wareegaya isla maanta.
Tababaraha cusub ee Arbeloa ayaa laga sugayaa inuu kooxda hoggaamiyo kulanka toddobaadka dhexdiisa ah ee Copa del Rey, isagoo ujeedadiisu tahay inuu dib u soo celiyo kalsoonida taageerayaasha ka hor inta uusan dib u bilaaban horyaalka La Liga iyo tartanka Champions League.
XIGASHO LAACIB.NET

