XIGASHO LAACIB.NET
Siddeed waddan ayaa si rasmi ah looga reebay tartanka qaramada Afrika ee AFCON 2025 ka dib markii ay soo dhamaadeen kulamadii heerka guruubyada ee ka socday dalka Morocco. Waddamada ay rajadoodu halkaas ku ekaatay ayaa kala ah:
Gabon
Equatorial Guinea
Botswana
Uganda
Zimbabwe
Angola
Zambia
Comoros
Angola ayaa weyday fursad ay ugu soo baxdo wareegga 16-ka ka dib markii ay tartanka ka hor mareen waddamada Tanzania, Sudan, Mozambique, iyo Benin oo ku soo baxay afarta kooxood ee ugu dhibcaha fiicnaa kaalmaha saddexaad (best third-place teams).
Jadwalka Wareegga 16-ka
Wareegga bug-baxa ayaa bilaaban doona Sabtida soo socota, waxaana loo qorsheeyay kulamo aad u xiiso badan:
Sabti, 3-da Janaayo:
Senegal vs Sudan (7:00 PM EAT)
Mali vs Tunisia (10:00 PM EAT)
Axad, 4-ta Janaayo:
Morocco (Martigaliyayaasha) vs Tanzania (7:00 PM EAT)
South Africa vs Cameroon (10:00 PM EAT)
Isniin, 5-ta Janaayo:
Egypt vs Benin (7:00 PM EAT)
Nigeria vs Mozambique (10:00 PM EAT)
Talaado, 6-da Janaayo:
Algeria vs DR Congo (7:00 PM EAT)
Ivory Coast vs Burkina Faso (10:00 PM EAT)
XIGASHO LAACIB.NET
