Guddiga Dhaqaale Wanaaga Koooxaha Yurub ee uu hogaamiyo Sunil Gulati ayaa ku dhawaaqay dhowr go’aamood oo la xiriira kooxaha ka qeyb qaatay tartamada Yurub xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ee 2021-22.

Sideed kooxood ayaa lagu helay inay jabiyeen sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha Yurub kuwaasoo kala ah AC Milan, Monaco, Roma, Besiktas, Inter Milan, Juventus, Marseille iyo Paris Saint-Germain.

Sida sharciga uu qabo koox walba waa inaysan wax qasaare ah gelin muddo shan sannadood ah, iyadoo xisaab xirka laga soo bilaabay 2018, 2019, 2020, 2021 iyo 2022. Si kastaba, sannadaha 2020 iyo 2021 ayaa si gaar ah loogu axsaamay kooxaha madaama dhaqaalahooda uu saameyn ku yeeshay Korona Fayras.

Advertisements

Sideeda kooxood ee la ganaaxay waxay qasaareen wadar ahaantooda 172 milyan euro. Lacagtaan ayaa laga jari doonaa lacagihii ka soo geli lahaa ka qeyb qaadashadooda tartamada UEFA.

26 milyan euro si kaash ah ayaa looga jari doonaa kooxahaa halka lacagta soo hartay ee 146da milyan euro ay ku xirnaan doonto hishiiska ay kooxahaan u galaan inay iska gudaan lacagta.

Kooxaha intooda badan waxay doorteen inay seddex sannadood gudaheed ku bixiyaan lacagta halka Roma iyo Inter ay doorteen inay afar sannadood ku bixiyaan.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay 19kii kooxood kale ee ka qeyb qaatay tartamada Yurub xilli ciyaareedkan sida Borussia Dortmund, Chelsea, Barcelona, Basel, Union Berlin, Fenerbahce, Feyenoord, Leicester City, Manchester City. Lyon, Glasgow Rangers, Real Betis, Royal Antwerp, Sevilla, Lazio, Napoli, Trabzonspor, Wolfsburg iyo West Ham United inay ka soo baxeen sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha Yurub iyadoo ay caawisay axsaankii kooxaha loo sameeyay waqtigii Korona Fayras.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here