Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Pakistan, Imran Khan ayaa lagu toogtay meel ay ka socdeen dibad-baxyo oo ku taalla bari magaalada Lahore, ee dalka Pakistan.

Imran Khan ayaa waxa la sheegay in toogashadaasi uu dhaawac ka soo gaaray mana cadda halka uu dhaawaca ka soo gaaray.

Xigasho Bbcda

Khan, oo 70 sano jir ah ayaa waxa uu hoggaaminayay isu soo bax lagu dalbanayay in doorashooyinka dalkaas dadajiyo.

Xubno ka tirsan xisbigiisa PTI ayaa sheegay in afar qof oo kale ay waxyeelo soo gaartay balse aysan jirin cid ku dhimatay.

Sarkaal sare oo Imran Khan u dhaw ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay: “Tallaabadani waxay ahayd isku day dil.”

Warbixintan waa war deg deg ah fafaahinta iyo wixii kale oo ka soo kordha halkan kala soco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here