HomeCiyaarahaReal Madrid oo ballanqaad waalli ah u sameysay Gonzalo Garcia xilli laga...

Real Madrid oo ballanqaad waalli ah u sameysay Gonzalo Garcia xilli laga soo gudbiyay dalabyo tiro beel ah

XIGASHO LAACIB.NET

Gonzalo Garcia ayaa noqday ciyaaryahanka ugu waxqabadka badan Koobka Adduunka ee Naadiyada, isagoo dhaliyay 4 gool iyo hal caawin 5 kulan gudahood.

Sida laga soo xigtay Marca, Real Madrid ayaa si weyn ula yaabtay heerka uu gaaray Gonzalo, waxayna qorsheyneysaa inay ku abaalmariyaan heshiis cusub.

Inkasta oo uu heshiiskiisa dhamaanayo 2027, Real Madrid waxay rabtaa inay u kordhiso mushaharka iyo muddada qandaraaskiisa, maadaama uu ka mid yahay weeraryahanada da’da yar ee ugu rajada fiican Spain.

Heshiiska cusub ayaa Gonzalo ka dhigaya ciyaaryahan rasmi ah oo kooxda koowaad ah, iyadoo gunnooyinkiisaa laga dhigay mid sare.

Isla warbixinta ayaa sheegtay in Real Madrid aysan qorsheyneynin inay iibiso Gonzalo inkasta oo ay heleen dalabyo dhowr ah oo ku saabsan 21-jirkan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -