HomeCiyaarahaReal Madrid oo dib usoo cusbooneysiisay xiisaha Rodri

Real Madrid oo dib usoo cusbooneysiisay xiisaha Rodri

XIGASHO LAACIB.NET

Kooxda Real Madrid ayaa si dhow u la socota xaaladda Rodri, waxayna isku dayi doontaa inay khadka dhexe ee Manchester City la soo saxiixato xagaaga sannadka 2026, sida ay werisay jariidada Marca.

Kooxda Los Blancos ayaa mudnaanta siinaysa helitaanka xiddig khadka dhexe ah oo maamuli kara xawaaraha ciyaarta, isla markaana ilaalin kara haysashada kubadda. Magaca Rodri ayaa ku jira meelaha ugu sarreeya liiska ay kooxdu rabto, isagoo ay weheliyaan ciyaartoy kale oo uu ka mid yahay Kees Smit oo u ciyaara kooxda AZ Alkmaar.

Xiddiga ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or 2024 ayuu qandaraaskiisu ku egyahay xagaaga 2027; sidaas darteed, Madrid waxay isku dayaysaa inay ku hesho qiimo ka jaban kan suuqa marka uu dhammaado xilli-ciyaareedkan.

Dhanka kale, Manchester City ayaa doonaysa inay u kordhiso qandaraaska 29-jirkan, balse ilaa hadda wax is-faham ah lagama gaarin.

Rodri, oo sidoo kale ku guuleystay tartankii Euro 2024, ayaa labadii xilli-ciyaareed ee u dambeeyay la dhibtoonayay dhaawacyo kala duwan oo garoomada ka fogeeyay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -