HomeCiyaarahaReal Madrid oo garaacday Levante iyadoo soo yareysay farqiga dhibcaha ee Kooxda...

Real Madrid oo garaacday Levante iyadoo soo yareysay farqiga dhibcaha ee Kooxda hoggaanka heysa

XIGASHO LAACIB.NET

Real Madrid ayaa gacanta ku dhigtay saddex dhibcood oo muhiim ah ka dib markii ay 2-0 ku dubatay kooxda Levante, kulan ka tirsanaa wareegga 20-aad ee horyaalka La Liga oo ka dhacay garoonka Santiago Bernabeu.

Guushan ayaa ka caawisay Real Madrid inay dhibcaheeda ka dhigto 48 dhibcood, iyagoo fadhiya kaalinta labaad, waxayna si ku meel gaar ah u soo yareeyeen farqiga dhibcaha ay u jiraan hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Barcelona oo leh 49 dhibcood, inkastoo Barça ay berrito la ciyaari doonto kooxda Real Sociedad. Dhanka kale, Levante ayaa weli ku dhibatoonaysa kaalinta 19-aad iyadoo leh 14 dhibcood oo qura.

Qaybtii hore ee ciyaarta, Real Madrid ma aysan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay, waxayna ku dhibtoodeen inay ka faa’iideystaan difaaca adag ee Levante. Taageerayaasha ku sugnaa garoonka ayaa muujiyay dareenkooda iyagoo ku ooriyay ciyaartoyda. Fursadda kaliya ee xusidda mudneyd waxaa helay Kylian Mbappe, balse darbadiisa ayaa hareermartay goolka.

Isbedel ayaa yimid qaybtii labaad ka dib markii garoonka la soo geliyay da’yarka Arda Guler iyo Mastantuono, kuwaas oo firfirconi ku soo kordhiyay kooxda. Daqiiqadii 58-aad, Kylian Mbappe ayaa jebiyay ismari-waagii ka dib markii uu gool u beddelay rigoore (Penalty) oo uu isaga lahaa, isagoo si degan shabaqa u dhex dhigay.

Dhowr daqiiqo ka dib, Real Madrid ayaa sii dheereysatay hoggaanka markii uu Raul Asensio dhaliyay goolka labaad daqiiqadii 65-aad. Goolkan ayaa yimid ka dib markii uu madaxa ku dhaliyay kubad koorne ahayd oo uu si sax ah u soo tuuray Arda Guler, taas oo ciyaarta ka dhigtay 2-0.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -