XIGASHO LAACIB.NET

Vinícius Júnior ayaa sii joogaya Real Madrid inkasta oo xagaagii shaki weyn la geliyay mustaqbalkiisa. Weeraryahanka reer Brazil ayaa doonaya inuu noqdo ciyaaryahanka ugu mushaarka badan kooxda, hase yeeshee wadaxaajoodyada cusboonaysiinta heshiiska ayaa hakad galay.
Madaxweynaha Madrid, Florentino Pérez, ayaa caddeeyay inuusan jebin doonin qaab-dhismeedka mushaharka, isaga oo horey uga adkaaday dalabaad noocaan oo la mid ah kuwii Cristiano Ronaldo, Sergio Ramos, Angel Di María iyo Mesut Özil.
Vinícius ayaa haysta taageero, maadaama maal-gashadeyaal Sacuudi ah ay muujinayaan xiise ba’an iyagoo diyaarinaya dalab gaari kara €350m, balse Madrid ayaa ku jawaabtay inay jirto qodob lagu fasixi karo oo ah €1bn, ayna diidan yihiin wax wadahadal ah.
Qandaraaskiisa ayaa soconaya ilaa 2027, iyadoo Madrid ku adkaysanayso inaan ciyaaryahan kaliya jebin karin xadka mushaarka, inkasta oo Vinícius uu rajeynayo inuu hoggaamiyo kooxda dhanka garoonka iyo mushaarka.
XIGASHO LAACIB.NET
