XIGASHO LAACIB.NET
Wargeyska AS ee Spain ayaa sheegay in Real Madrid aysan qorsheynayn inay cusboonaysiiso qandaraasyada Antonio Rudiger iyo David Alaba, kuwaas oo dhacaya xagaaga 2026.
Go’aankan ayaa micnihiisu yahay in xilli-ciyaareedkan uu noqon doono kii ugu dambeeyay ee labada daafac ay xirtaan maaliyadda Los Blancos. Inkastoo kooxda ay rajaynaysay inay iibiso Alaba xagaagan, haddana xiddiga reer Austria ayaa diiday inuu si fudud u baxo, isagoo doonaya inuu is muujiyo.
Dhanka kale, inkastoo Rudiger uu bandhig wanaagsan sameeyay, maamulka Madrid ayaa rumeysan in waqtigiisu soo dhamaaday.
Waxaa xusid mudan in Real Madrid ay xagaagan la soo saxiixatay Dean Huijsen, isla markaana ay qorshaynayso inay lasoo wareegto daafac kale, ha noqoto xagaagan ama xagaaga 2026.
