XIGASHO LAACIB.NET
Kooxda Real Madrid ayaa la kulantay caqabado hor leh oo ka dhashay wadahadallada qandaraaska cusub ee Vinícius Júnior, kaddib markii xiddiga reer Brazil uu codsaday mushaar la mid ah kan Kylian Mbappé, sida uu sheegay wargeyska SER Deportivos.
Codsiga lama filaanka ah ee ka yimid garabka weerarka ayaa hakiyay wadahadalladii, iyadoo maamulka kooxda aysan diyaar u ahayn inay la jaanqaadaan dalabka xiddigaas, taasoo dhalisay xaalad cusub oo xasaasi ah oo wajihi doonta labada dhinac xilli-ciyaareedka cusub.
Mbappé ayaa saxiixay qandaraas shan sano ah oo uu ka helayo €15 milyan sanadkii (oo aan canshuurta lagu darin), iyo gunno saxiixeed dhan €125 milyan, taasoo loo kala qeybiyay muddada qandaraaska, taasoo celcelis ahaan ka dhigeysa inuu sannadkiiba qaato ku dhowaad €30 milyan.
Dhanka kale, Vinícius, oo qandaraaskiisa haatan dhacayo 2027, waxa uu Real Madrid ka qaataa qiyaastii €10 milyan sanadkii, taasoo ka dhigeysa ciyaaryahanka saddexaad ee ugu mushaarka badan kooxda, kaddib Mbappé iyo David Alaba.
Laakiin kooxda wakiillada Vinícius ayaa hadda riixaya in ciyaaryahanka loo kordhiyo mushaarkiisa si uu u gaaro kan Mbappé, taasoo la micno ah inuu sannadkiiba heli lahaa wax ka badan €25 milyan. Dalabkani waxa uu noqday mid culays ku ah maamulka kooxda.
SER Deportivos ayaa sheegaysa in Real Madrid ay si cad u diiday dalabkaas, iyagoo aan dooneynin inay isku mid ka dhigaan mushaarka labada xiddig ee weerarka.
Tani waxay abuureysaa xaalad xiisad leh oo saameyn karta mustaqbalka Vinícius Jr ee Santiago Bernabéu, haddii labada dhinac ay ku guuldareystaan inay is-afgartaan.

