HomeCiyaarahaReal Madrid oo go’aan kasoo saartay mustaqbalka Carvajal

Real Madrid oo go’aan kasoo saartay mustaqbalka Carvajal

XIGASHO LAACIB.NETWarbaahinta Spain ayaa shaacisay in Real Madrid ay ka fiirsanayso inaysan cusboonaysiin qandaraaska daafaca midig Dani Carvajal, kaas oo si rasmi ah u dhacaya 30-ka Juun. Arrintan ayaa Carvajal u dhoweynaysa dhammaadka safarkiisa kooxda boqortooyada, kaddib sanado badan oo uu dhiiga u shubay kooxda.

Go’aankan ayaa imanaya xilli ay socoto diyaargarow lagu sameynayo isbeddello ballaaran oo lagu sameeyo khadka difaaca, kuwaas oo uu hoggaaminayo tababare Xabi Alonso, oo xilka qabtay bilowgii xilli-ciyaareedkan.

Xogtu waxay muujinaysaa in tababaraha reer Spain uu wajahayo hawl culus oo dib-u-dhis ah, gaar ahaan maadaama bixitaanka David Alaba uu ku dhow yahay xaqiiqo, halka mustaqbalka Antonio Rüdiger uu weli mugdi ku jiro.

Carvajal ayaa muddooyinkii u dambeeyay la daalaa dhacayay dhaawacyo soo noqnoqday, taasoo ka hor istaagtay inuu si joogto ah ula ciyaaro kooxda, isla markaana hoos u dhigtay joogitaankiisa garoonka iyo sii wadistiisa.

Tani waxay dhacday inkastoo uu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu caansan ee kasoo baxay akadeemiyadda Real Madrid, isla markaana uu ahaa tiir muhiim ah sannadihii hore.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -