XIGASHO LAACIB.NET

Warbixin uu soo tebiyay Marca ayaa sheegaysa in Real Madrid ay weli qiimeyneyso inay keento khad-dhexe cusub ka hor inta suuqa kala iibsiga xagaagu xirmin, balse waxaa yar fursadaha dhabta ah ee hadda taagan.
Rodri (Manchester City), oo daqiiqado yar ka ciyaaray guuldarradii City kasoo gaartay Tottenham, ayaa si weyn loosoo hadal qaaday, balse ma aha ikhtiyaar hadda ah sababo la xiriira walaac dhanka taam ahaanshaha.
Adam Wharton (Crystal Palace) ayaa lagu xamanayaa inuu u dhaqaaqo Real, hase yeeshee gudaha Madrid waxaa la aaminsan yahay in sheekadaasi ka timid wakiillada ciyaaryahanka oo aan ku saleysneyn xiiso dhab ah.
Vitinha (PSG) ayaa se ka mid ah qorshayaasha mustaqbalka ee Real Madrid. Qodobka lagu burburin karo qandaraaskiisa ayaa dhaqan gelaya 2026, taas oo Madrid u aragto fursad istiraatiiji ah oo mustaqbalka, balse aan ahayn xal degdeg ah.
Sida hadda la ogyahay, maamulka Los Blancos ayaa weli ku kalsoon khad-dhexehooda haatan ee ka kooban: Arda Güler, Eduardo Camavinga, Aurélien Tchouaméni, Federico Valverde, iyo Jude Bellingham.
XIGASHO LAACIB.NET
