HomeCiyaarahaReal Madrid oo lagu boorriyay inay la soo saxiixato Salah

Real Madrid oo lagu boorriyay inay la soo saxiixato Salah

XIGASHO LAACIB.NET

Halyeygii iyo kabtankii hore ee kooxda Real Madrid, Fernando Hierro, ayaa ku boorriyay kooxda in ay la soo saxiixato xiddiga reer Masar iyo kooxda Liverpool, Mohamed Salah.

Wareysi dhowaan lala yeeshay, Hierro ayaa markii la weydiiyay suurtagalnimada uu Salah ugu biiri karo Los Blancos ayuu ku jawaabay:

“Maxaa diidaya? Dabcan, waan jeclaan lahaa. Mohamed Salah waa ciyaaryahan aan caadi ahayn dhinac walba. Ma jiro qof dafiri kara saameyntiisa weyn ee Liverpool iyo guulaha uu gaaray. Waxaan jeclaan lahaa inaan ku arko Real Madrid; wax walba waa ka suurtagal kubadda cagta.”

Isagoo sii ammaanaya tayada Salah, Hierro ayaa intaas ku daray: “Salah waa nooca ciyaaryahan ee ay koox kasta oo adduunka ah doonayso inay la soo saxiixato, sababtoo ah waa mid gaar ah oo saameyn toos ah ku leh ciyaarta. Isagu ma ahan kaliya ciyaaryahan weyn; waa mucjiso dhab ah oo dhanka kubadda cagta ah, kaasoo isbeddel sameeya meel kasta oo uu joogo.”

Hierro ayaa sidoo kale xusay in u soo wareegista horyaalka La Liga ay dhiirigelin weyn u noqon karto tartanka: “Inaad ku qiyaasto isaga oo jooga La Liga, ha noqoto Real Madrid ama Barcelona, waxay tartanka siin doontaa kor u kac weyn, taasoo ay ugu wacan tahay tayadiisa, khibradiisa, iyo sida uu ula qabsan karo xaaladaha kala duwan.”

Qandaraaska Salah ee Liverpool ayaa ku eg dhammaadka xilli-ciyaareedkan, taas oo ka dhigan in uu ku bixi karo bilaash ama qiimo jaban haddii heshiiska aan la cusboonaysiin.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -