XIGASHO LAACIB.NET

Kooxda Boqortooyada ee Real Madrid ayaa loo magacaabay astaanta ugu qiimaha badan kubadda cagta caalamka markii labaad oo xiriir ah, iyadoo qiimaheeda suuqa lagu qiyaasay €1.9 bilyan, sida ku xusan warbixinta Brand Finance Football 50 2025.
Los Blancos ayaa ka horreeysa kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Barcelona, kuwaas oo qiimahooda lagu qiyaasay €1.7 bilyan, taas oo sii adkaysay awooddooda dhaqaale ee kubadda cagta caalamka.
Warbixinta Brand Finance, oo lagu daabacay barta X (Twitter), ayaa sidoo kale ku tilmaantay Real Madrid inay tahay astaanta kubadda cagta ee ugu xooggan dunida markii afaraad oo xiriir ah, taasoo muujinaysa isku dhafka awoodooda ganacsi iyo guulaha garoonka dhexdiisa.
Sida lagu sheegay liiska, Manchester City, Liverpool, iyo Paris Saint-Germain ayaa wadaaga kaalinta saddexaad iyagoo lagu qiimeeyay €1.4 bilyan, halka Bayern Munich ay ku jirto kaalinta shanaad oo lagu qiimeeyay €1.3 bilyan.
Manchester United, Arsenal, Chelsea, iyo Tottenham Hotspur ayaa dhammaystiray tobanka kooxood ee ugu qiimaha badan kubadda cagta.
Waxaa xusid mudan in Real Madrid iyo Barcelona ay keligood ka dhigan yihiin 70% qiimaha guud ee LaLiga, taas oo muujinaysa awoodda dhaqaale ee ay ku faanaan labada koox ee ugu weyn Spain.
XIGASHO LAACIB.NET
