XIGASHO LAACIB.NET
Kooxda Real Madrid ayaa €100 milyan ku qiimeysay garabka reer Brazil ee Rodrygo Goes, iyadoo warbixinno cusub sheegayaan in kooxda ay diyaar u tahay inay iibiso xagaagan.
Go’aanka ayaa yimid kadib markii Rodrygo uu lumiyay booskiisii joogtada ahaa tan iyo markii uu yimid Xabi Alonso, taasoo dhalisay xiiso ka imaanaya kooxaha Arsenal, Chelsea iyo Manchester City.
Wargeyska AS ayaa sheegaya in Madrid, oo xilli ciyaareedkii 2024–25 wax koob ah qaadin, ay dooneyso inay suuqa ka hesho lacag ay ku xoojiso kooxda – waxaana Rodrygo loo arkaa xiddig lacag badan lagu heli karo.
Tan iyo markii uu 2019 ka yimid Santos, Rodrygo wuxuu dhaliyay 68 gool wuxuuna bixiyay 51 caawin 270 kulan, taasoo sare u qaaday qiimihiisa.
Si kastaba, ciyaartoyga 24 jirka ah ayaa 92 daqiiqo kaliya ciyaaray tartanka FIFA Club World Cup, taasoo sii hurisay hadal-heynta ku aaddan suurtagalnimada bixitaankiisa.
Ilo wareedyo dhowr ah ayaa sheegaya in kooxda iyo xiddiga ay qorsheynayaan kulan muhiim ah si go’aan looga gaaro mustaqbalkiisa – Rodrygo ayaana la rumeysan yahay inuu diyaar u yahay bixitaanka haddii uu helo fursad uu horjooge kaga noqonayo meel kale.
Sida ay qortay Cadena SER, Arsenal ayaa ah kooxda ugu horeysa ee doonaysa, hase yeeshee waxay doorbideysaa in qiimaha lagu koobo ilaa €80-90 milyan, halkii ay si toos ah u bixin lahaayeen €100m.

