XIGASHO LAACIB.NET
Xaqiijinta xaaladda dhaawacyada ee kooxda Real Madrid ka hor kulanka caawa ee Madrid Derby ayaa muujinaysa walaac dhanka daafaca ah. Sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee kooxda ka dib tababarkii xalay ee ka dhacay garoonka King Abdullah Stadium (oo sidoo kale loo yaqaanno Al Inma Stadium), labada xiddig ee Antonio Rüdiger iyo Trent Alexander-Arnold ayaan ka qayb qaadan tababarka kooxda inteeda kale.
Trent Alexander-Arnold, oo xilli-ciyaareedkan si hoose ku bilowday waayihiisa Real Madrid tan iyo markii uu kaga soo biiray Liverpool, ayaa la dhibtoonaya dhaawac bowdada ah oo soo gaaray bishii December, waxaana la filayaa inuu garoomada ka maqnaado ilaa bilowga bisha February.
Dhanka kale, Antonio Rüdiger oo ah daafaca ugu khibradda badan ee uu haysto tababare Xabi Alonso, ayaa shaki weyn la gelinayaa taam-ahaanshihiisa ciyaarta caawa.
Haddii Rüdiger uu ku guuldareysto inuu safto, Xabi Alonso wuxuu wajahayaa caqabad weyn, maadaama Eder Militao iyo David Alaba ay horay u dhaawacnaayeen. Xaaladdaas waxay ku khasbi doontaa macallinka inuu adeegsado labada daafac ee dhalinyarada ah:
Raúl Asensio: Daafacan 22-jirka ah oo ka soo baxay akadeemiyada kooxda (La Fábrica), ayaa bandhig cajiib ah ka sameeyay kulankii u dambeeyay ee ay 5-1 kaga badiyeen Real Betis, isagoo xitaa gool dhaliyay.
Labadan ciyaaryahan ayaa la filayaa inay caawa xannibaan weerarka halista ah ee Atletico Madrid oo ay hormuud u yihiin Julian Alvarez iyo Alexander Sørloth. Tababarkii xalay wuxuu sidoo kale muujiyay in kooxdu ay xoogga saartay haysashada kubadda (possession) iyo cadaadiska (pressing), iyadoo Gonzalo Garcia uu u muuqdo mid diyaar u ah inuu markale hoggaamiyo weerarka maadaama Kylian Mbappe uusan u safrin Sacuudiga.
XIGASHO LAACIB.NET

