HomeCiyaarahaReal Madrid oo war farxad leh ka heshay tababarka maanta

Real Madrid oo war farxad leh ka heshay tababarka maanta

XIGASHO LAACIB.NET

Kooxda Real Madrid ayaa maanta bilowday diyaar garowgeeda kulanka ay la ciyaarayso Juventus Arbacada soo socota, kaas oo qeyb ka ah wareega saddexaad ee heerka kooxaha Champions League, kana dhici doona garoonka Santiago Bernabéu.

Sida lagu sheegay bogga rasmiga ah ee Real Madrid, Trent Alexander-Arnold ayaa qeyb ka qaatay tababarka kooxda, taas oo xaqiijinaysa inuu dib ugu soo laabanayo liiska kooxda kaddib toddobaadyo uu dhaawac ku maqnaa.

War-saxaafadeedka kooxda ayaa intaas ku daray in Dani Ceballos, Antonio Rüdiger, Dean House iyo Dani Carvajal ay weli ku jiraan marxalad soo kabasho ah kadib dhaawacyo ay la ildarnaayeen.

Bayaanka Madrid ayaa lagu soo gabagabeeyay:

“Ciyaartoydii safka hore kaga soo bilowday kulankii Getafe waxay sameeyeen jimicsiyo soo kabasho ah oo gudaha hoolka jimicsiga, halka inta kale ee kooxda ay garoonka ku sameeyeen tababarro firfircoonaan iyo xawaare leh.

Kadibna waxay u kala qeybsameen kooxo si ay u sameeyaan jimicsiyo baas iyo toogasho ah, waxayna tababarka ku soo dhammeeyeen qeybta xeeladeed iyo ciyaaro kooban oo garoon yar lagu ciyaaray.”

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -