HomeCiyaarahaReal Madrid oo weerar kale ku qaaday Liverpool; markaan waxey doonayaan Ibrahima...

Real Madrid oo weerar kale ku qaaday Liverpool; markaan waxey doonayaan Ibrahima Konate

XIGASHO LAACIB.NET

Real Madrid ayaa billowday qorsheynta saxiixooda xiga ee bilaashka ah, iyadoo Ibrahima Konaté – daafaca Liverpool – uu haatan noqday bartilmaameedkooda ugu sarreeya, sida laga soo xigtay warbixin cusub oo ka timid Marca.

Konaté, oo heshiiskiisu ku egyahay 2026, ayey Real billowday iney durba si qoto-dheer uga war heyso xiddiga, iyagoo adeegsan doona isla qorshihii ay ku heleen David Alaba, Antonio Rüdiger, iyo Trent Alexander-Arnold – dhammaantood waxaa la beegsaday sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskooda.

Warbixinta ayaa sheegtay:

“Real Madrid waxay sii wadaan siyaasaddooda ah inay la soo wareegaan ciyaartooyda marka uu hal sano uga dhimam yahay qandaraaskooda, waxaana durba liiska saaran xiddiga xiga ee lagu wado inuu yimaado bisha Juun 2026.”

Konaté ayaa muhiim u ah Liverpool marka uu taam yahay, waxaana loo arkaa mid ka mid ah daafacyada ugu tayada badan Yurub. Ma jiro heshiis la gaaray weli, balse Real Madrid waxay si cad u muujisay xiisahooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -