XIGASHO LAACIB.NET![]()
Real Madrid ayaa la sheegay inay si dhab ah uga fiirsanayso inay shaqada tababarenimo ku wareejiso Alvaro Arbeloa, haddii Xabi Alonso xilka laga tuuro.
Axadii, Los Blancos waxaa 2-0 ku garaacday Celta Vigo, guuldarro ka dhacday garoonka Bernabeu, taas oo cadaadis xoogan saartay Alonso.Wararka ka imanaya gudaha kooxdiisa ayaa tilmaamaya in kulanka kadib, madaxweyne Florentino Perez iyo agaasime Jose Angel Sanchez ay yeesheen kulan degdeg ah oo lagu falanqeeyay:xaaladda kooxda,hoos u dhaca natiijooyinka,iyo mustaqbalka Xabi Alonso.
Haddii Madrid laga badiyo kulanka Manchester City… way u dhammaatay?Sida uu qoray The Athletic, ilo muhiim ah oo ka ag-dhaw kulankaas ayaa sheegay inaysan kalsooni ku qabin in Alonso shaqada sii hayn doono haddii Real Madrid ku fashilanto kulanka adag ee Manchester City Arbacada Champions League.
Inkasta oo Madrid ay jeclaan lahayd in Alonso sii wato shaqada, haddana Bernabéu waxaa mar walba laga qiimeeyaa natiijooyinka.Alvaro Arbeloa oo liiska ugu sareeya beddelka Haddii go’aanka la gaaro, Real Madrid waxay diyaarisay liiska tababarayaasha beddeli kara Alonso.Waxaa liiskaas hogaaminaya:Alvaro Arbeloa, difaacii hore ee Real Madrid, haatanna tababare ka ah naadiga heerka hoose ee kooxda.
Arbeloa waxa uu gudaha kooxda ku leeyahay sharaf weyn, waxaana maamulku u arkaa shaqsi fahansan dhaqanka iyo DNA-ga Real Madrid.
XIGASHO LAACIB.NET
