ANKARA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Turkiga oo Recep Tayyip Erdogan ayaa eedeyn ba’an wuxuu u jeediyay Ra’iisulwasaaraha Isra’iil Natenyahu kaasoo uu dusha ka saeray guud ahaan dagaalka hada socda inuu masuul ka yahay.
Erdogan wuxuu si cad u sheegay in Natenyahu ku socdo wadadii uu Hitlerkii Jarmalka uu sababta ugu ahaa dagaalkii labaad ee dunida .
 “Sidii Hitler sabab ugu ahaa dagaalka 2-aad ee aduunka ayuu Natenyahu sabab u noqon doonaa dagaalka 3-aad”ayuu yiri Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan
Sidoo kale wuxuu sheegay Dowlada Iiraan laga gardaran yahay islamarkaana ay xaq u leedahay inay is diifaacdo,wuxuu intaasi ku daray in dagaalka socda ay Iiraan ku guuleysan doonto sida uu aaminsan yahay.
“iiraan guusha iyaga ku dambeyn doonad dagaalka ay kula jirto Isra’il , sida muuqata dunidu indhaha ayay ka daawanayaan waxa dhacaya”ayuu mar kale yiri Recep Tayyip Erdogan
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

