HomeCiyaarahaRedknapp oo shaaciyay sida ay Arsenal uga qaadi doonto horyaalka Man City

Redknapp oo shaaciyay sida ay Arsenal uga qaadi doonto horyaalka Man City

XIGASHO LAACIB.NET

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee England, Jamie Redknapp, ayaa sheegay in Arsenal ay ku guuleysan karto Premier League iyadoo lagu kala baxayo farqiga goolasha.

Redknapp ayaa hadalkan ka sheegay Sky Sports kaddib markii Arsenal ay 3-0 ku xasuuqday Fulham fiidnimadii Sabtida. Guushaas ayaa Arsenal ka dhigtay inay lix dhibcood ka sareeyaan Manchester City, inkasta oo City ay weli u harsan yihiin laba kulan oo dheeri ah.

Arsenal ayaa sidoo kale xilli ciyaareedkan dhalisay goolal ka badan City, iyagoo sii ballaariyay farqiga goolasha,(4 gool ayay City ka horreysaa).

Redknapp wuxuu yiri: “Haddii arrintu ku dhammaato farqiga goolasha, waxaan u arkaa jadwalka kulamada Arsenal mid faa’iido weyn siinaya.

“Haddii Arsenal ay badiso dhammaan kulamadooda, waxaan u maleynayaa inay qaadi doonaan horyaalka, xitaa haddii City ay sidaas oo kale sameyso; sababtoo ah farqiga goolasha oo ay sii kordhin karaan, gaar ahaan marka ay la ciyaarayaan Burnley.”


XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -