XIGASHO LAACIB.NET
Reece James ayaa muujiyay kalsooni buuxda kahor xilli ciyaareedka cusub isagoo ka hadlay xaaladda wanaagsan ee Chelsea.
– Advertisement –
James ayaa xusay in kooxda ay kusoo afjartay xilli ciyaareedkii hore si xoog leh, iyagoo ku guuleystay labo koob, taasoo abuurtay jawi fiican oo gudaha kooxda ah.
Wuxuu qirtay in Chelsea ay soo martay waqti adag sanadihii ugu dambeeyay, balse hadda ay si weyn u soo hagaagtay, isagoo ku adkaystay in naadigu yahay mid loogu talagalay inuu joogo meelaha ugu sarreeya Premier League oo uu u loolamo hanashada horyaalka.
James ayaa ku daray hadalkiisa: Blues waa koox taariikh leh oo dooneysa iney ku guuleysato koobab oo ay la tartanto kooxaha ugu fiican Europe.
XIGASHO LAACIB.NET
