CABUD-WAAQ (DAYNIILE.COM)-Dagaal ayaa la soo sheegayaa inuu saaka ka dhex qarxay beelaha walaalaha ah ee reer Galmudug isla ah ee ka soo kala jeeda Xeraale iyo Cabudwaaq kuwaasoo marar badana sidaan oo kale isaga hor yimid.
Labadaan Beelood oo kala ah Mareexaan iyo Dir waxay inta badan isku qabtaan arimo dhul waxaana marar badan xalkooda galay Maamulka Galmudug iyo odey dhaqameedyada nabada jecel ee labada reer iyo deriska ka soo kala jeeda.
Dagaalka saaka wuxuu si gaar ah uga qarxay inta u dhaxeysa Deegaanada kala ah Ceel cabdikariin iyo Isgoos oo ka tirsan Maamulka Galmudug gaar ahaana Gobolka Gal-gaduud, rasaasta nuucyadeeda kala duwan ayaa laga maqlayaa halka maleeshiyaadku isku hayaan.
Wararku waxay intaasi ku darayan in durba maleeshiyaadku gurmadyo ka kala helayaan reerahooda dagaalka iyo rasaastaba sii badisay.
Hay’adaha amniga Galmudug iyo kuwa Gobolka Gal-gaduud wali wax fara gelin ah kuma sameyn dagaalka hadey ahaan la hayd inay ciidamo kala dhex dhigaan ama waan waan xitaa ku galaan madaama deegaanasaasi ay Nabadoono iyo waxgarad ka ag dhaw yihiin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
