HomeWarkiiReer Galbeedka oo mar kale ka shiraya xoojinta qorshaha joojinta dagaalka Ukraine

Reer Galbeedka oo mar kale ka shiraya xoojinta qorshaha joojinta dagaalka Ukraine

Shirka G20 oo ka dhacaya Dalka Koonfur Afrika ayay dalalka reer galbeedka qaarkood waxay doonayaan inay kaga hadlaan xoojinta iyo ka mira dhalinta qorshihii Trump ee ah in la joojiyo dagaalka Ukraine taasoo loo marayo wada hadalo lala yeesho Ruushka.

Ra’iiusl wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer oo ku hadlayay afka Bahwadaagta Ukraine  ayaa warbaahinta u sheegay shirka  inay dadaal u galayaan sidii xal loogu heli lahaa dagaalka Ukraine marka uu furmo shirka madaxeedka G20 ee ka dhacaya Koonfur Afrika, xili dhawaan uu Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu ka digay in Ukraine ay wajahayso mid kamid ah waqtiyada ugu adag taariikhdeena.

Qorshaha nabadda ee aqalka cad ayaa soo bilowday markii Trump uu laba jeer la kulmay Madaxweynaha Ruushka Putin iyagoo isla gartay qorshayaal nabad looga gaari karo dagaalka Ukraine inkastoo uu Madaxweynaha Ukraine saluugsan yahay qodobada qaar oo taabanaya in Ukraine ka tanaasusho qaar ka mid ah dhulka Ruushku xooga kaga qabsaday Ukraine.

Waxaa xusid mudan in shirkaani G20 aysan ka qeybgaleyn Mareykanka iyo Ruushka oo muhiim u ah nabad laga gaaro dagaalka Ukarine.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -