HomeWarkiiReer Hiiraan oo xariirka u jaray Dowlada markii ay ku dhawaaqeen inay...

Reer Hiiraan oo xariirka u jaray Dowlada markii ay ku dhawaaqeen inay joojiyeen dagaalka Alshabaab

Gudoomiyaha Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdi Mocow  ayaa maanta si cad u shaaciyay inay xiriirka u jareen Dowlada Somalia marka la ego dagaalkii lagula jirey kooxda Alshabaab.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in awalba qabiil ahaan u dagalaami jireen oo aysan ahayn ciidan Soomaaliyeed iyadiina ay tageere uga waayeen Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
“Dowladu rasaas kaliya ayay na siisaa  sida aad ogtihiina rasaas wax baa lagu dilaa oo kaliya ee dagaalka waxyaabaha uu u baahan yahay ma dhameystiri karto sidaas daraadeed wixii hada ka danbeeya danaheena ayaan ka tashaneynaa dagaal danbe iyo weerarna inaan qaadnana diyaar uma nihin”ayuu yiri Gudoomiyaha
Sidoo kale Gudoomiye Maxamed Cabdi Mocow wuxuu beeniyay in Moqokori looga soo saaray xabad balse wuxuu xusay inay tasiilaad la’aan uga soo baxeen xitaa gaadiid badan shidaal uga soo tageen shidaal la’aan.
“Moqokori xabbad ugama soo bixin, haddana diyaar uma nihin dagaal, Baabuurteenii ayaan Juqda uga soo tagnay Shidaal la’aan”ayuu mar kale yiri Gudoomiyaha.
Mar uu ka hadlayay khasaaraha ka soo gaaray dagaalka ay Alshabaab kula jireen wuxuu shaaciyay in 8 bilood oo ay dagaal ku jireen maalintii ay 16 ruux ku weyn jireen dagaalayahanadooda xili uu Dowlada ku eedeeyay inay garabkii ay u baahnaayeen ka waayeen.
Masuulkaani wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay inay mar kasta diyaar u yihiin ka reer ahaan inay Alshabaab iska dhiciyaan balse sida hada wax ku socdaan aysan diyaar u ahayn dagaal danbe oo ay Ashabaab la galaan isagoo si aan leex leexad lahayn ugu eedeeyay Dowlada mar ay shidaan weydiisteen xiligii dagaalku socday inay ka waayeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -