Mandheera (dayniiile.com)-Shacabka iyo masuuliyiinta ku dhaqan Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Keya ayaa dhibaato weyn waxay ku qabaan tog weyn oo hore Magaaladaasi ay uga qodeen Shiinaha.

Togaan ayaa roobabkii da’ay waxay dhigeen biyo aad u badan taasoo keentay in caruurtii ku daadanayaan.

Advertisement

Sedex ruux ayaa  ku dhimitay intii roobabkaani socdeen waxaana u danbeeyay wiil Somali ah oo 12 jir ah kaasoo shalay galab ku dhacay god-kaasi iyadoo saacad kadib laga soo saaray meydka cunugaasi aan wali qaan gaarin.

Qeylo dhaan ayaa is qabsatay Mandheera,waalidiinta waxay cabayanaan laba daran mid dooro, inay masruufka caruurta soo dhiciyaan ama inay caruurta ka ilaaliyaan togaasi.

Masuuliyiinta ayaa ugu baaqeen Dowlada Kenya inay wax ka qabato arintaan isla markaana Shiinihii dhisay lagu amro inay sida ugu dhaqsiyaha badan u aasaan godkaasi.

Labadii asbuuc la soo dhaafay waxaa sidaan oo kale ku dhacay laba gabdhood iyadoo uu sedex ku yahay wiilkaan shalay ku dhintay ee 12-jirka ah.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleXildhibaan si gaar ah dhaliil ugu jeediyay Ra’iisulwasaare Xamze.
Next articleSomaliland oo Ciidamo dheeraad geysay deegaanka  ay isku hayaan SSC Qaatumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here