Reerbaa maalinkii quuta wax ka yar 1 doolar ama 25 kun shillin, Face mask ama af saar oo qiimihiisa maanta intuu ahaay aadan ugu imaanaynin, sidee ayay ku awoodayaan kuwa la halgamaya, caawa waxii ay cuni lahaayeen,

Maamulka Gobolka Benaadir kahor ganaaxa shacabka taagta daran ee aan awoodin af saar meel ay ka helaan ma diyaariyay, haa, xarumaha laga heli karo ayaga oo bilaash ah bulshada la wadaaga, maya, ganaaxu waa dambi aad umadda ka galaysaan, eebe weyne oo aduunka iyo waxa ku dhex sugan abuuray, adoon ma ciqaabo aan awodin wixii la faray inuu fuliyo ilaa mid awoodiisa leh oo diiday mooyaane,

Wacyiga dadka kor ha loo qaado, agabka ay isticmaali lahaayeen ha loo fududeeyo, halagu celceliyo, kadib halagu ciqaabo, wixii intaas ka soo hara waa lacag ka samayn dadban o waliba xoog iyo jujuub ah mana la qaadan karo.

Wixii dhib ah ee ka dhasha masuuliyadeeda Maamulka ayaa Qaaadaya.

Inta xanuunsan allaha caafiyo, inta aan awoodin inay ka gaashaantaan ha u fududeeyo aamiin

Mohamed Abdi Ali Dagane

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here