MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka Isra’il ayaa Saaka ka socda Taallada Daljirka Dahsoon ee Muqdisho halkaasoo shacab badan ay isugu soo baxeen xili banaan baxa maanta uu daaran yahay Haweenka Soomaaliyeed.
Haweenka ayaa codkooda ku biirey canbaareynta badane e Yuhuuda lo jeediyay marka la eego caalamka oo intooda badan Yuhuuda ugu baaqay inay faragelinta ka daayaan midnimada iyo wada-jirka Somalia.
Caasho Cali oo ka mid ah Haweenka oo wariyayaasha kula hadashay goobta ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin difaaca dalkooa islamarkaana aysan dib u laabaneyn .
jawaahir Baarqab oo ah Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir ayaa iyaduna daboolka ka qaaday in waagii hore Soomaaldu gumeystaha u adeegsan jireen waramo iyo falaar hadana Soomaalidu iska diaaci doonto.
Haweeney kale ayaa iyadan sheegtay in Yahuudu ay doonayaan inay xasuuqaan shacabka Somaliland, waxay intaasi ku dartay in Israa’iill ay tahay caddowga Muslimiinta oo dhan.
XAIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM




